Muuse Biixi “Beesha Caalamka ayaa soo faro galisay colaadda Tukaraq” (dhegayso)

Muuse Biixi “Beesha Caalamka ayaa soo faro galisay colaadda Tukaraq” (dhegayso)

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qiray inuu jiro dadaalo ay gar wadeen ka yihiin Midowga Afrika, Igad iyo Beesha Caalamka, kaasi oo ku saabsan joojinta colaadda Puntland iyo Somaliland.

Isagoo ka hadlayay xaflad kadhacday magaalada Hargaysa ayaa waxaa uu sheegay ciidamada Somaliland in lasoo weeraray oo ay ku suganyihiin ciidamada Puntland 70km oo ka mid ah xuduudka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay dhankooda inay diyaar u yihiin wada hadal iyo ciidamada in la kala qaado, isagoona sheegay inuu diyaar u yahay siidaynta maxaabiista ay dhankooda ay hayaan, balse sida uu hadalkiisa u dhigay ay wax ka socon la’yihiin Puntland iyo dowladda Muqdisho.

Somaliland ayaa bishii sadexaad soo weerartay fariisinkii ciidamada Puntland ee Tukaraq, iyagoona la wareegay, waxaana bilihii u dambeeyey Puntland iyo Somaliland ay wadeen dhadhaqaaqyo midba kan kalle uu doonayo inuu xoog kaga saaro gobolka Sool.

 

Hoos kadhegayso

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com