Mukhtaar Roobow oo aan u hogaansamin go’aankii wasaaradda amniga Soomaaliya

HomeWararka

Mukhtaar Roobow oo aan u hogaansamin go’aankii wasaaradda amniga Soomaaliya

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah aasaasyaaasha Al-shabaab, xilal kalle duwana kasoo qabtay ayaan u hogaansamin amar kasoo baxay wasaaradda am

Wasiir Beyle:” Waa abeen abuur Aniga ma dhihin khasnadda dowladda waa buuxdaa”
Caawa & Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah aasaasyaaasha Al-shabaab, xilal kalle duwana kasoo qabtay ayaan u hogaansamin amar kasoo baxay wasaaradda amniga ee Soomaaliya oo kusaabsan inuu u tartami karin doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Mukhtaar ayaa iminka waxaa uu wadaa xaflad wayn oo lagu soo dhoweynayo doorashadiisa oo ka socota Baydhabo, taasi oo   ka qaybgalayaan xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan arrintan ayaa jawaab u ah go’aankii wasaaradda amniga ay kasoo saartay tartankiisa doorasho, waxaana uu sii xoojiyay olilihiisa doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed uu kula wareegayo hogaankiisa.

Wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu wali fulin shuruudihii lala galay, iyadoona xayiraado dhanka safarada , dhaqaalaha iyo booliska caalamigaba uu saaranyahay musharaxan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: