Muddo Kadib Cabdisamad Gallan oo Garoowe Gaarey

HomeWararka

Muddo Kadib Cabdisamad Gallan oo Garoowe Gaarey

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Casimad Maxamed Gallan ayaa markii ugu horeysey soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland tan iyo markii uu n

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay goobo lagu karantiilo dadka qaba Coronavirus
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Garowe (dhegayso)

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Casimad Maxamed Gallan ayaa markii ugu horeysey soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland tan iyo markii uu noqday hogaamiyaha ciidamo xilli dhowr bilood ah ka soo horjeedey xukuumadda Puntland.

Inkastoo la dhammeeyey xurguftii tabasho ee Gallan iyo xukuumadda Gaas oo ku salaysnayd tabasho beeleed, haddana Gallan ayaan ilaa xilligaasi imaan magaalada Garoowe.

Cabdisamad Maxamed Gallan oo Garoowe soo gaarey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland ku soo dhoweeyey shacab weyne ka bixitimay magaalada Garoowe.

Warar hoose ayaa sheegaya in Cabdisamad Gallan oo kamid noqon doono golaha cusub ee xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabi doono madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: