Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay goobo lagu karantiilo dadka qaba Coronavirus

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay goobo lagu karantiilo dadka qaba Coronavirus

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay goobo kala duwan oo lagu karantiilo dadka qaba cudurka Coronavirus, iyadoo xalay uu kormeeray Ra’iisul Wasaare Xas

12 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Hindiya
Xulashada Daljir & Xasan Baashe, Daljir Garoowe (dhegayso)
RW Rooble oo casho sharaf u sameyeey Qaar kamid ah madaxda dowlad gobaleedyada (Sawiro)

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay goobo kala duwan oo lagu karantiilo dadka qaba cudurka Coronavirus, iyadoo xalay uu kormeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay GGoobaha dowladda ugu tala gashay in lagu karantiilo dadka ayaa ah labo goobood oo kala ah Isbitaalkii Martiini iyo goob ku taal Dekeda Qalalan ee ku dhow Garoonka diyaaradaha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay ku dhawaaqay in dowladda u qoondeysay la tacaalida cudurkaas lacag gaareysa 5 milyan oo dollar, iyadoo muddo labo todobaad ah la xiray dhammaan goobaha waxbarashada sida iskuulada iyo jaamacadaha.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay kiiskii u horeeyay ee cudurka Coronavirus oo laga helay muwaadin Soomaali ka yimid dalka Shiinaha, waxaana weli xaalad karantiil ku jira afar kale oo ahaa askar lagu soo tababaray dalka Talyaaniga oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.
uddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: