RW Rooble oo casho sharaf u sameyeey Qaar kamid ah madaxda dowlad gobaleedyada (Sawiro)

HomeWararka

RW Rooble oo casho sharaf u sameyeey Qaar kamid ah madaxda dowlad gobaleedyada (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha D

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Adan (dhegayso)
Warmurtiyeed laga soo saaray shirki Nabadeynta Galbeedka gobalka Mudug (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho soo gaaray.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimoow ayaa sheegay in kulanka oo uu ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu hordhac ah u yahay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorahsooyinka dalka oo guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Sida qorshuhu ahaa maanta waxaan rajeynaynay in uu furmo Shirkii Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka balse cillado dhanka farsamada ah oo qabsaday imaanshaha Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Puntland ayaa dib u dhaca keenay, sidaas darted Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu kalan casho Sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo soo gaaray Caasimadda.”

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u dhammeystirtay diyaargaroowga ku aaddan qabsoomidda shirkan muhiimka u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo hirgelinta heshiiska doorashooyinka, si ay ugu qabsoomto xasillooni iyo midno.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: