Mirdhalka Shirka Dhuusamarreeb oo u muuqata mid dheer.

HomeWararka

Mirdhalka Shirka Dhuusamarreeb oo u muuqata mid dheer.

Shirka maalintii saddexaad uga socda Dhuusamarreeb madaxa dawladda federaalka, kuwa dawlaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo gobolka Banaadir ay

Shaqaalaha Dowladda Puntland oo Helay Fasax Dastuuri ah (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo U Duulay Dalka Qatar
Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulama ka wada dhoobley (Sawiro)

Shirka maalintii saddexaad uga socda Dhuusamarreeb madaxa dawladda federaalka, kuwa dawlaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo gobolka Banaadir ayaan weli lagu gaarin natiijo la taaban karo oo la xiriirta arrimaha doorashada.

Qaddiyadda ugu weyn ee shirkaas haraysay, horayna looga socon waayey waxay ahayd midda gobolka Gedo ee dawladda federaalka iyo Jubaland ay ku kala aragti duwanyihiin, si weynna ugu kala tagganyihiin.

Guddi ka kooban madaxweynayaasha dawlada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo loo saaray ka soo talobixinta xaaladda gobolka Gedo iyo doorashada ayaa talobixinnadooda oo ay ku jirtay maamulka gobolkaasi in lagu wareejiyo Jubaland ay madaxda dawladda federaalku saluugtay, kana biyo diiday, taasoo keentay xalay in shirka lagu kala kaco, uuna caro uga baxo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Is jiidjid badan kadib, maanta Axmed Madoobe waxaa lagu qanciyey in uu shirka ka qaybgalo, waana uu ka qaybgalay, hase ahaatee heerkii ugu xumaa ayay maanta kala gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe kadib markii hadallo kulul la isku dhaafsaday madashii shirka, taasoo keentay galabta in uu saaxafaadda dalbado madaxweyne Axmed Madoobe, si uu uga warramo meesha wax marayaan, iyo waxa ka dhacay shirka.

Tallaabadaasi oo buuq badan galisay shirka galabta, markii dambe waxaa soo farageliyey beesha caalamka, siiba wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, waxaana lagu guulaystay illaa hadda Axmed Madoobe in laga baajiyo shir saxaafadeed.

Inkasta oo weli kala taganaanin ay jirto, shirkana aan la iskugu soo laaban, midna waxaa la filayaa in wax la isku soo jiido, wada-hadalkiina caadi lagu sooceliyo, balse weli filashada natiijada shirku waa mid liidata, maadaama aan wax horukac ah la samayn saddex maalmood oo shirku toos u socday.

Diiwaanka Wararkq
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: