Midowga Yurub: “Soomaaliya waxaan ugu deeqeynaa  42.5million oo EURO (€42.5 million)”

HomeWararka

Midowga Yurub: “Soomaaliya waxaan ugu deeqeynaa 42.5million oo EURO (€42.5 million)”

Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič ayaa shaaciyey inay 149 million oo Euro ( €149 million) u qoondeeyeen

Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ajaanib ugaarsanaysa Duurjoogta, oo degmadda EYL lagu arkay (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan ,Daljir Garowe (dhegayso)

Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič ayaa shaaciyey inay 149 million oo Euro ( €149 million) u qoondeeyeen Kaalamada Samafalka ee la siinayo dalalka Geeska Afrika.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Malaayiin qof ku dac-daraysan yihiin Geeska Afrika, kuwaasi oo uu sanadkii hore saameeyey Colaado iyo Barakaca, isla markaana ay soo wajahday saddex cabsi oo kala ah Waxyeellada Ayaxa, Isbedelka Cimilada iyo Xanuunka COVID 19.

Kaalmadda cusub ee loo fidinayo dalalka Geeska Afrika ayaa la sheegay in loo adeegsan doono Taageeradda Nolol-badbaadinta sida Cuntada, Nafaqaynta, Caafimaadka iyo Badbaadada iyo inay Kaalmadaasi si toos ah u gaaran dadka u baahan.

Dhinaca kale, Madaxa EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič waxa uu xusay in Kaalmada cusub lagu taageeri doono Mashaariicda Samafalka (Humanitarian Projects) ee ka kala socda dalalka Somalia, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Uganda.

Kharajka loo qoondeeyey dalalkaasi ayaana kala ah:

1- Somalia 42.5million oo EURO (€42.5 million),

2- Djibouti 500,000 oo EURO (€500,000),

3- Sudan 52 million oo EURO (€52 million),

4- Kenya 14 million oo EURO (€14 million),

5- Uganda 32 million oo EURO (€32 million).

Waxaa intaasi ku dheer 8 million oo EURO (€8 million) oo loo qoondeeyey dadaallada looga hortagayo Khatarta Ayaxa Lama-degaanka ku hayo Beeraha dalalka Geeska Africa.

Qoraalka ka soo baxay Midowga Europe waxaa kaloo horey loogu shaaciyey Kaalmo cusub oo Samafal oo la siiyey Ethiopia iyo South Sudan.

Ethiopia waxaa la siiyey 53.7 million oo EURO ( €53.7 million), halk dalka South Sudan la siiyey 43.5 million oo EURO (€43.5 million).

Kaalmadaasi ayaa la bixiyey Booqashadii uu Madaxa EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič dhawaan ku tegay labadaasi dal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: