Midowga Yurub oo talis cusub hoosgeynaya howlgalkiisa Soomaaliya

HomeWararka

Midowga Yurub oo talis cusub hoosgeynaya howlgalkiisa Soomaaliya

Wasiirrada Gaashaandhigga Ururka Midowga Yurub ayaa shalay ku heshiiyay sameynta Talis dhexe oo ciidan kaas oo ay qeyb ka noqonayaan howlgalladiisa di

Xasan Jabhad: “ Dagaalka Itoobiya wuxuu noqon doona midkii albaabada u xiri lahaa boqortooyadii dulmiga ku dhisanayd ee Abasiiniya” (Daawo)
MAXAY KA WADAHADLEEN James Swan iyo madaxda Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM? (Akhriso)
Warka Fiidnimo, cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wasiirrada Gaashaandhigga Ururka Midowga Yurub ayaa shalay ku heshiiyay sameynta Talis dhexe oo ciidan kaas oo ay qeyb ka noqonayaan howlgalladiisa dibadda.

Wasiirrada Gaashaandhigga Dalalka France, Germany iyo Spain ayaa aad ugu ololeynayay Taliska dhexe oo u ekaandoona sida Isbahaysiga NATO,kaas oo ay dalal badan oo Yurub ah xubno ka yihiin.

Ursula von der Leyen, oo ah Wasiirka Difaaca Germany ayaa sheegtay in Taliska cusub hoostagi doonaan howlgallada Midowga Yurub ee Maali, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Wasiirrada Difaaca UK iyo Norway ayaa ka soo horjeestay qorshahan, hayeeshee Ursula von der Leyen , ayaa sheegtay in dalalka xubnaha ka ah Mudowga Yurub ee aan ku qanacsaneyn taliska cusub ay korjoogto ka noqon karaan.

Norway iyo UK ayaa ku dooday in Taliskan cusub uu u ekyahay Isbaysiga NATO,waqti iyo lacag in aan lagu lumin ayey soo jeediyeen laakiin waxaa difaacay saddexda Wasiir difaac ee Germany, France iyo Spain.

Madaxa xafiiska arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini, ayaa sheegtay in Taliskan cusub uu muhiim u yahay Midowga Yurub islamarkaana meel isugu keenayo dhamaan howlgallada iyo tababarrada Midowga Yurub ka wado Caalamka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: