Amaanka Madaxtooyada oo aad loo adkeeyay weerarkii Hotel SYL kadib

HomeWararka

Amaanka Madaxtooyada oo aad loo adkeeyay weerarkii Hotel SYL kadib

Waxaa si weyn loo adkeeyay baraha Kontrool ee laga soo galo xarunta Madaxtooyadda Qaranka wixii ka dambeeyay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteel

Ciidamada Jubbaland oo faahfaahin kabixiyeey howlgalo ay sameyeen
Khudbadda Musharax Madaxweyne Guleed Saalax
Madaxweyne deni iyo Hambalyadda 26 June (Daawo)

Waxaa si weyn loo adkeeyay baraha Kontrool ee laga soo galo xarunta Madaxtooyadda Qaranka wixii ka dambeeyay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka SYL oo ku yaalla kasoo horjeedda Madaxtooyadda.

Kooxda weerartay ayaa ku labisnaa dharka Ciidanka, waxaana si weyn loo hubinaya Ciidamada ay wataan Mas’uuliyiyiinta iyo Ciidanka Booliska ee u socda Xarunta Ciidanka Booliska ee Kumaanda Boolisiya.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tira badan kuwii hore ee jooggay goobaha laga soo galo Madaxtooyadda ayaa lagu arkaya goobaha laga soo galo Madaxtooyadda Qaranka.

Koontaroolada laga galo Madaxtooyadda waxaa la ogoleyn inay ka gudbaan illaalada la socota masuuliyiinta qaar ee dowladda, waxaana lagu amray inay barta Koontarool ku reebaan Askarta.

Waxaana Wadooyinka Madaxtooyadda soo galo dhooban Askar Farabadan oo Mas’uuliyiintii galay Madaxtooyadda ay uga tageen.

Waxaa kaliya loo ogol yahay in illaaladooda ay la gudbaan, Wasiirada, Wasiir Ku xigeenada, Taliyeyaasha & masuuliyiinta xilalka Sare haya sidda ay xaqiijiyen goobjoogayaal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: