MAXAY KA WADAHADLEEN James Swan iyo madaxda Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM? (Akhriso)

Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa wadahadal dhinaca taleefanka ah waxa uu la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Dalalka ku haboohay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire James uu Wasiirada Arrimaha dibadda Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Uganda kala hadlay sidii doorkooda ay uga qaadan lahaayeen howlaha sugidda amniga dalka gaar ahaan doorashooyinka.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah” ayaa lagu yiri qoraalka James Swan.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii dalka Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com