Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay Shirwene Wadatashi

Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay Shirwene Wadatashi

Midowga Musharixinta oo sheegay in ay ucadaatay in Masuuliyiinta Dowlada Federalka iyo kuwa Maamul Goboledyada Dalka aaney dan ka leheyn qabashada Doorasho Hufan sidaasi daraadeedna ay qabanayaan Shir weyne Watashi ah.

War Saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa Siddaan u qornaa:

Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natijadeedana la isla oggol yahay.

Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan
shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan.

Sidoo kale ayuu Goluhu 10 December 2021 soo bandhigay sida lagu sixi karo doorashada, wuxuuna ku baaqay in la isugu yimaado
shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada.
Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa Joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo.

Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Haddaba Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi
Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed.

Si loo taabba geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u
magacaabayaa.
1-Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha.
2-Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com