Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay shir deg-deg ah

HomeWararka

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay shir deg-deg ah

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga wada hadlo hirgelinta he

Dowladda federaalka oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday gobalka Mudug
Ra’iisul wasaaraha Japan oo amray in la xiro dhamaan Schooladda dalkaasi mudo bil ah.
Aas Qaran oo loo sameyeey Taliyihii Nabad suggida gobalka Gedo

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga wada hadlo hirgelinta heshiiskii doorashooyinka 17 September.

Qoraal ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxay ku taageereen soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka lagu qabto Muqdisho, lana ballaariyo ka soo qeyb galayaasha, Beesha Caalamkana ay goobjoog ka noqoto.

Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay qoraalka ku sheegeen in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu yahay madaxweyne muddo xilleedkiisa uu dhamaaday uuna shirka uga qeybgali karo kali ah musharax la mid ah musharaxiinta kale haddii uusan tartanka doorashada ka tanaasulin.

Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: