Ra’iisul wasaaraha Japan oo amray in la xiro dhamaan Schooladda dalkaasi mudo bil ah.

HomeWararka

Ra’iisul wasaaraha Japan oo amray in la xiro dhamaan Schooladda dalkaasi mudo bil ah.

Raiisel wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa maanta amartay in la xidho dhamaan iskuulada kuyaala wadanka mudo bil ah si loo joojiyo faafitaanka coro

Madaxweyne Farmaajo oo Daahfuray Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha (Sawiro)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Boosaaso oo laga somanyahay Maanta

Raiisel wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa maanta amartay in la xidho dhamaan iskuulada kuyaala wadanka mudo bil ah si loo joojiyo faafitaanka coronavirus.

Shinzo Abe waxa uu yiri: ‘Dowladdu waxa ay tixgalineysaa caafimaadka iyo badbaadada carruurta wax kale Maya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan dugsiyada hoose, dhexe iyo sare … guud ahaan dalka in ay si ku meel gaar ah u xirnaadaan Goobaha waxbarashada laga bilaabo Maarso 2 ee usbuuca soo socda ilaa fasaxa gu’ga” Ayuu yir Ra’iisul wasaare Shinzo Abe.

In kabadan 200 oo qof oo Jabaan ku noolaa ayaa ilaa hadda qaaday fayraska Corona afar qofna way dhinteen sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda wadankaan qaniga ah.

Jasiiradda ugu weyn ee dalkaa oo lagu magacaabo Hokkaido, 13 Kiis oo cusub, oo ay ku jiraan laba caruur ah oo da’doodu ka yar tahay 10 sano, ayaa la xaqiijiyey, warbaahinta dawladda ee NHK ayaa Khamiista maanta ku warantay.

Saraakiisha Osaka ayaa horey u amartay in la xiro dhamaan iskuulada ku yaal magaalada muddo labo asbuuc ah sidoo kale 1,600 iskuul oo ku yaal Hokkaido ayaa sidoo kale la xiray.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii haweeney ku sugan Osaka, oo ay dadkeedu dhan yihiin 2.6 milyan, Baaritaan lagu sameeyay laga helay fayraska Coronavirus.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0