Midowga Afrka oo Shir ka leh dhibaatooyinka dalal ay kujirto Somalia

HomeWararka

Midowga Afrka oo Shir ka leh dhibaatooyinka dalal ay kujirto Somalia

Madaxda Midowga Afrika ayaa ku shiraya dalka Equatorial Guinea Maalintii labaad, iyaga oo ka hadlaya arrimo ay kamid yihiin Sicir bararka oo dhalaiyay

Cabdiraxmaan Odowaa: “Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyey inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan”
Musharax Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud ayaa shaaciyay in uu yahay Musharax Madaxweynaha Puntland
Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxda Midowga Afrika ayaa ku shiraya dalka Equatorial Guinea Maalintii labaad, iyaga oo ka hadlaya arrimo ay kamid yihiin Sicir bararka oo dhalaiyay dagaalka Ukriane, taas oo keentay inay sii kororto qiimaha cuntada ee Afrika oo dhan.

Afar dal oo xubin ka ah Midowga Afrika ayaa shaqada laga joojiyay sababo la xiriira afgambi ka dhacay dalalkooda.

Hogaamiyayaasha Midowga Afrika ayuu u socdaa Maalintiiabaad shir madaxeedka aan caadi ahayn oo ka socda caasimadda Equatorial Guinea ee Malabo, kaasoo looga hadlayo caqabadaha ay ka midka yihiin argagixisada, maamul dimoqraadi ah iyo isbeddelka cimilada.

Klanka oo furmay Sabtidii shalay ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa weerarada argagixisanimada waxana uu ujeedkiisu yahay in la qiimeeyo hababka wax ka qabashada ee jira.

“Qaaradda Afrika waxa ay dhibane u tahay weeraro argagixiso oo arxan darro ah oo ay geystaan kooxaha sida Boko Haram, Al-Shabaab, Ansar al-Sunna, the Islamic State (IS) ayuu yiri madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.

Dhinacyada ayaa lagu wadaa in ay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo ammaanka waddamada Afrika ee wajahaya argagixisada iyo weerarada joogtada ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: