HomeUncategorized

Midowga Afrika oo Canbaareeyay weerarkii Baydhabo

Burtinle, 29, Febru, 2016 -(Daljir)_Ergeyga Midowga Afrika ee Arrimaha dalka Somalia Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si adag u cambaareeyay Qaraxyadii Baydhabo ka dhashay shalay gellinkii dambe, kuwaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 30-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo badan.

Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo aas qaran loo sameeyey ( Dhegayso)
(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir
DHEGEYSO-Qaadista canshuuraha gaadiidka oo ka socda magaalada Qardho.
Burtinle, 29, Febru, 2016 -(Daljir)_Ergeyga Midowga Afrika ee Arrimaha dalka Somalia Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si adag u cambaareeyay Qaraxyadii Baydhabo ka dhashay shalay gellinkii dambe, kuwaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 30-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo badan.
 
Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay Khasaaraha Shacabka ka soo gaaray Weerarkaas, Wuxuuna sheegay inay ahaayeen Weerarro Naxariis-daro ah oo ay geysteen shaqsiyaad aanay nolosha bani’aadamka wax qiimo ah ugu fadhin.
 
“Aad ayaanu uga xunnahay khasaaraha ka dhashay Weerarradaas Argagixiso ee ka dhacay Baydhabo, kuwaasoo lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan,” ayuu danjire Madeir ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.
 
Sidoo kale danjiraha ayaa intaa ku daray. “kuwa geystay Weerarradaas waa kuwo aan haba yaraatee Naxariis lahayn; oo aanay Wax qiimo ah ugu fadhin Nolosha Bani‘aadamka, lama aqbali doono dhibaatooyin noocan oo kale ah inay dalka kasii socdaan.”
 
Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in ay si dhow ula shaqeynayaan Ciidamada Amniga Somalia iyo hay’adaha kale, si looga guulo looga gaaro howl-gallada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah.
 
Ugu dambeyn, Weerarradii Shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa Waxay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Baydhabo xilliyadii u dambe, iyadoo weerarradan loo adeegsaday qarax gaari iyo ruux ismiineeyay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: