HomeUncategorized

Mid kamid ah Musharaxinta M.Gobolada Dhexe oo ku baaqay in Ahlu-Sunna laga qayb-galiyo shirka Cadaado

Talaado, Juun 23, 2015 (Daljir)_Musharaxa Madaxweyne ee maamulka loo dhisayo gobollada Dhexe Axmed Cabdisalaam ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan shirka uga soo qeyb-geliso Ahlu Sunna Waljamaaca.

Tacsi:-Waxgaradka iyo aqoonyahanka Beesha Cismaan Maxamuud ee Minisota oo tacsi ka diray geerida Eng:Caydaruus Cismaan Yuusuf (Keenadiid)
Madaxweynaha Jubba oo booqday Muqdisho si loo dhameeyo heshiiskii dowladda iyo maamulka
Maxkamadda gobolka Nugaal oo maantay la horkeenay sixiroolle Dakhtar caafimaad ku shaqeysan jirey.

Talaado, Juun 23, 2015 (Daljir)_Musharaxa Madaxweyne ee maamulka loo dhisayo gobollada Dhexe Axmed Cabdisalaam ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan shirka uga soo qeyb-geliso Ahlu Sunna Waljamaaca.

Musharax Axmed ayaa sheegay in Ahlu Sunna Waljamaaca halgan adag ay soo gashay xorreynta gobolladda dhexe isla-markaanna aysan habooneyn in dowladda federaalka ka gaabiso fulinta ribtaanka Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

\”Suurto-gal maaha inaan iska indho-tirno halganka Ahlu Sunna iyo muhiimadda ay u leeyihiin in maamul rasmi ah uu ka hana qaado gobolladda dhexe,  Dowladda Federaalka waxaan uga digayaa in Ahlu Sunna la\’aanteed  shirkaan Cadaado sii socdo, waa in laga soo qeyb geliyaa, waan hubaa in dhankooda diyaar u yihiin heshiiska\” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdisalaam.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: