Mid ka mid ah ergadii soo doortay baarlamaanka oo lagu dilay Muqdisho

Mid ka mid ah ergadii soo doortay baarlamaanka oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa xalay ku dilay magaalada Muqdisho Nabadoon Xasan Jaciir oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Hirshabelle ee soo doortay baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ee Hirshabelle.

Nabadoonka ayaa lagu dilay suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho habeenimadii xalay, iyadoo kooxihii dilka fuliyay ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa howlgallo sameeyey, inakstoo aanay wali faahfaahin.

Nabadoonka la dilay waxaa uu ahaa oday da’ ah, horay ayaa sidaan oo kalle Muqdisho loogu dilay ergooyinkii soo xulay baarlamaanka hadda jira, waxaana sheegtay masuuliyadda dilkii ugu dambeeyey ee xalay dhacay kooxda Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com