Meleteriga huwanta iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Qansax-Oomane ee gobolka Baay

Baydhabo, September 8, 2013 – Ururka Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah ayaa xalay mar kale ku dagaalamay gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo dhowr jeer dagaalo ka dheceen horaantii ilaa dhamaadkii toddobaadkii hore.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageeryo ka helaya kuwa Ethopia iyo ururka Al-shabaab ayaa dagaal culus oo khasaare geystay, wuxuu ku dhexmaray deegaanka Qansax-Oomane oo hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay labbada dhinac, basle waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalku ahaa mid culus, waxaa jirta khasaare nololeed oo labbada dhinac ah, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Deegaanka Qansax-Oomane oo ku dhow Bardaale 24 KM u jira Baydhabo waxaa gacanta ku haya ciidamada huwanta ah, warar aan helayno waxay sheegayaan in la kala furtay gaadiid dagaal balse aan la xaqiijin ilaa iminka.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com