Maxkamadda ICC oo dambiyo ku heshay Bosco Ntaganda

HomeWararka

Maxkamadda ICC oo dambiyo ku heshay Bosco Ntaganda

Maxakamada Caalamiga ah ee ICC ayaa dambiyo dagaal ku heshay Mr Bosco Ntaganda oo ah hogamiyihii hore ee mucaaradka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga

Xildhibaan Dheeg ” Imaraadku Xamarna Wuu ka Farxiyeey Anagana Wuu naga nixyeey ” (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Golaha wasiirada DFS oo Hindise Sharciyeedyo, Siyaasado iyo Heshiisyo

Maxakamada Caalamiga ah ee ICC ayaa dambiyo dagaal ku heshay Mr Bosco Ntaganda oo ah hogamiyihii hore ee mucaaradka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo.

Garsoorayaasha maxkamada dambiyada caalamiga ah ayaa ku xukuntay ama ku caddeysay hoggaamiyahaasi in uu ku kacay 18-kiis oo dambi ah ,isla markaana ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo dambiyo dagaal oo ay geysteen dagaalyahanada mucaaradka ee uu hogaaminaayay.

Maxkamaddu weli ma shaacin xukunka uu muteystay,hasa yeeshee ,Xeer ilaaliyaha ayaa doonayaa in Mr,Bosco lagu xukumo 30 sano oo xabsi ah,halka qaar kale ay iyaguna doorbidayaan xabsi daa’in.

Mr Bosco Ntaganda waa qofka afaraad ee Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ay ku hesho dambiyo dagaal iyo xadgudubyo kale oo ay ka mid yihiin kufsi iyo dil barer ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: