HomeUncategorized

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay eedaysanayaal danbiyo kala duwan lagu eedeeyay

Muqdisho, March 19- Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta la horkeenay eedeysanayaal ka badan tobon qof kuwaasoo lagu soo xiray eedeymaha kiisas kala duwan.

Midawga Afrika oo berrito oo khamiis ah shir ku yeelanaya Addis-ababa, kana hadli doona abaaraha Geeska Afrika.
Baahin: Axad, Jun 12, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin: Marxallada siyaasadeed ee Somaliya & saamaynta Cahdiga Kampala ee M/weyne Shariif & afhayeen Shariif Xasan; “Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Somaliya waxay u joogaan dano iyaga u gaar ah” Wasiirka kallumaysiga ee Puntland; 21 xubnood oo ka mid ah odayaasha dhaqanka & indheergaradka gobolka Sool oo ugu baaqay Somaliland in ay ka baxdo gobolka Sool; Hawlgallada nadaafadeed & sare u qaadida biliceed ee caasimada Garowe oo mira dhalay; Duqa magaalada Garowe ayaan waraysanay.
Qaramada midoobey oo war kasoo saartay dagaalada Galkacyo.

Muqdisho, March 19- Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta la horkeenay eedeysanayaal ka badan tobon qof kuwaasoo lagu soo xiray eedeymaha kiisas kala duwan.


Eedeysaneyaasha maxkamadda la horkeenay oo isugu jiray wiilal iyo gabdho oo gaarayay illaa iyo 12? eedeysane ayaa ku eedeysan in ay geysteen falal isugu jira dil, kufsi,burcadnimo iyo? tuugnimo.


Inta aysan maxkamaddu xukunka ku dhawaaqin ayaa maxkamadda waxaa yimid ehelada qaar ka mida eedaysanayaasha si ay u dhagaystaan kiiska eheladooda.


Dhageysiga dacwadaha iyo doodaha ka dib waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Maxamed Xaashi waxa uuna sheegay in lix ka mid ah eedaysanayaasha dib loo dhigay dacwadooda halka inta kalana la xukumay.


Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in sadax ka mid ah lagu xukumay min 13 sano oo xariga ah iyo 13 malyan oo shilin Soomaali ah kuwaas oo lagu helay eedeymo la xiriira burcadnimo.


Maxkamadda ayaa sidoo kale sadexdii kale waxaa ay ku xukuntay xabsi u dhaxeeyo 30 sano ilaa Laba sano waxaana eedaysanayaashaasi ku caddaatay inay ku kaceen dil iyo kufsi iyadoona la tilmaamay in ay bixiyaan lacago diyo ah.


Diiwaanka Wararka daljir
Muqdisho
(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: