HomeUncategorized

Qaramada midoobey oo war kasoo saartay dagaalada Galkacyo.

Nairobi, Oct 25 2016--Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku duwidda gargaarka bini'aadamnimo ee Soomaaliya ee UNOCHA ayaa sheegtay dagaalka ka soconaya magaalada Gaalkacyo ay ku barakeceen kummaan qof oo rayid ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Gaalkacyo ka Dhoofay
Taliyaha ciidanka bilayska Galkacyo oo is-casilay. Dhegaysi …
?Puntland oo soo bandhigtay kooxo burcad badeed iyo tahriibayaal ah oo lagu qabtay xeebta Ceelaayo.

Nairobi, Oct 25 2016–Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku duwidda gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya ee UNOCHA ayaa sheegtay dagaalka ka soconaya magaalada Gaalkacyo ay ku barakeceen kummaan qof oo rayid ah.

Hay’adda UNOCHA ayaa bayaan ay soo saartay maanta waxa ay ku sheegtay in dagaalka todobaadkii saddexaad ka soconaya magaalada Gaalkacyo ay ku dhinteen 18 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 60 qof oo kale.

Hay’adda ayaa dadka ku barakacay dagaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya ciidammada kala taabacsan maamullada Puntland iyo GalMudug waxa ay ku sheegtay in ay gaarayaan ilaa 75 kun oo qof.

Dadkaasi ayey hay’addu sheegaysaa inay ku jiraan dad markoodii hore magaalada Gaalkacyo ku soo barakacay oo ku noolaa xerooyinka dadka gudaha ku barakacay.

Dadkan ayaa markii hore joogay daafaha magaalada iyo gudaheeda laakiin hadda meelo ka fogfog ay u qaxeen, waxaana laga yaabaa bay UNOCHA leedahay in tirada dadkaasi ay sii kordhi karto maadaama dagaalku uu weli sii socdo.

ISHA-BBC

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: