Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun riday

HomeWararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun riday

Maxkamada Darajad 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo axad ah waxaa ay xukun ku ridey Nin lagu eedeeyey in uu katirsanaa Ururk

Ka qaybqaado Afurinta danyarta Soomman (dhegayso)
Caruur Miino kula qaraxday duleedka Waqooyi ee Gaalkacyo (dhegayso)
Badowga Puntland ku dhawaaqday dhaqangal ma noqon doonaa? (dhegayso)

Maxkamada Darajad 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo axad ah waxaa ay xukun ku ridey Nin lagu eedeeyey in uu katirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana Maxkamadeyntiisa ay soo martey heerar kala duwan.

Muuse Maxamed Axmed ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1,sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabkas sida.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed Axmed magaalada Marka bilowgii November 2019 isaga oo uga soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha kamid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.

Intaas kadib ayaa loo soo wareejiyay eedeysanaha magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada xoogga dalka ku wareejiyeen ciidamada Boliiska gaar ahaan qeybta dambi baarista Boliiska CID.

Baaritaan dheer kadib ayay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida dabayaaqadii November sanadkii ina dhaafay, waxa ayna markale isku howleyn baarista kiiska eedda ka dhanka ah Muuse Maxamed Axmed.

15-kii February sanadkan ayuu codsaday xafiiska xeer ilaalinta mudeynta kiiska ka dhanka eedeysane Muuse Maxamed Axmed waxa ayna Maxkamadda muddeysay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed Axmed 24 February sanadkan.

Fursadda habraaca doodda waxaa bilow u ah xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, waxa ay Maxkamadda la hor yimaadeen agabkii lagu soo qabtay oo ka kooban labo BOM F1 iyo qiraalka eedeysnaha uu Maxkamadda ka hor sheegay, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha in eedeysanaha uu isticmaalay dhagar aan laga maleysan Karin isaga oo isku dhex milay raashin dareera ah iyo walxaha qarxa.

Abukaataha u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto maadama uusan aqoon ulaheyn wax yaabaha lagu soo qabtay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan, waxa uu sheegay in qof kale uu usoo qariyay Muuse Maxamed Axmed.
Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: