Ka qaybqaado Afurinta danyarta Soomman (dhegayso)

Ka qaybqaado Afurinta danyarta Soomman (dhegayso)

Jaamac Cabdulaahi Dheere waa dhalinyarada somaliyeed ee ku sugan Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka wuxuu sanadkii sadexaad wadda Barnaamijka afurinta danyarta muqdisho ee an awoodin inay helaan kharashaad ay afurka ku samaystaan.

Jaamac oo Waraysi sinayaay Radio Daljir ayaa sheegay in Barnaamijkan ay waddan isaga iyo dhalinyaro kale sanadkii sadexaad,isla markaana ay gacan ka helaan mar mar jaaliyadaha dalka dibadisa kusugan.

Wuxuu sheegay in Barnaamijkan Afurinta danyerta marki hore kharashadka ay kabixin jireen jeebkooda balse hadda dad somaliyeed ay kala qayb qaatan haatana donayaan inay kala qayb qaatan dadkaas muxsininta ah .

Qoysaas kala duwan ayuu sheegay inay siyaan lacag dhan $50 dollar ,halka mararka qaarna ay siyaan Raashin ay ku afuraan,xiliga afurka.

Dhamaan Bulshadda Somaliyeed ee dalka daafihiisa ku sugan ayuu ugu baaqay inay ka qayb qaatan Barnaamijka Afurinta danyarta an awoodin afurka ee sooman inay uso diraan waxay awoodan.

Fadlan Kala Xiriri Jaamac Lambaradda Hoos ku Qoran

Hormuud +252615582361
Golis +252907790556

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com