Maxkamadda Ciidamada  qalabka sida oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi

HomeWararka

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi

Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeyn ka dhan ah dab

Itoobiya oo gobolka Soomaalida kasoo saaraysa gaas iyo shidaal cayriin ah
VACANCY: DESIGN MONITORING AND EVALUATION OFFICER (GRADE LEVEL 11).
Guddiga joogtada ah ee Barlamaanka Somaaliya la shiray Guddoomiyasha barlamaanada Dowlad gobaleedyada

Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeyn ka dhan ah dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdi xaaji Bashiir, Axmed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifataax Cabdulqaadir Axmed oo ka wada tirsan Ciidamada Asluubta kuwaasi oo ay soo gudbiyeen ciidanka deegaanka Garasbaaley oo sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe Garsuge ahaan si ay u soo dhammeystiraan caddeymaha kiiska.

6-dii bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: