Itoobiya oo gobolka Soomaalida kasoo saaraysa gaas iyo shidaal cayriin ah

Itoobiya oo gobolka Soomaalida kasoo saaraysa gaas iyo shidaal cayriin ah

Dowladda Itoobiya ayaa bilaabaysa markii u horaysay soo saaridda shidaal cayriin iyo gaas dabiici ah oo laga soo saarayo gobolka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo munaasbad ay ka qaybgalayaan Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxwaynaha Dowlad Deegaanka ay maanta kasocoto dalkaasi.

Shidaalkan ayaa waxaa soo saaraya shirkadda Polu-GCL ee laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana shidaalka iyo gaaska cayriinka ah lagu sifeynayaa magaalooyinka kalle ee Itoobiya, waxaana iminka gaaray caasimadda dowlad deegaanka wasiirka shidaalka ee dowladda Itoobiya.

Shidaalka ayaa la soo saarayaa maalintii 450-fuusto oo cayriin ah, taasi oo dhaqaalaha gobolka waxbadan ka badalaya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com