Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay Askari ka mid ahaa Ilaalada Senator ka tirsan Barlamaanka Somaaliya

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay Askari ka mid ahaa Ilaalada Senator ka tirsan Barlamaanka Somaaliya

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Nuur Geeddi oo loo yaqaano Madax Yarey, kaasoo todobaadkii hore ku dilay Dhuusamareeb Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye.

Maxkamadda Ciidamada ayaa si degdeg ah u bilowday dhageysiga kiiskan muddo todobaad gudahood, kaddib markii loo soo gacan geliyay askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Senatar Ugaas Dhagey.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Maxamed C/wali Xasan Boqol oo la sheegay inuu sabab u ahaa murankii ka dhashay dilkii Marxuum Shaafici.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka kiiskan, isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana dhageysiga maxkamadeynta sarkaalkaas aheyd mid furan oo ay goobjoog ka ahaayeen ehelada marxuumka la dilay, saraakiisha ciidamada iyo dad kale.

Dilka Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo dhacay 28-kii bishii hore ee Maarso ayaa waxaa ka muragooday dadka deegaanka, waxaana uu ahaa Shaafici mid ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon magaalada ee sida weyn looga yaqaan Dhuusamareeb.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com