Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku ridey ganacsato

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku ridey ganacsato

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta oo sabti ah xukun ku riday Ganacsato ku eedeysan inay gudaha dalka Soomaaliya soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa.

Eedeysanayaasha oo gaaraya 7 xubnood oo laba kamid ah ay yihiin maqane ayaa maalmo kahor lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada, kuwaasi oo la sheegay inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen Al-shabaab.

Xeer ilaalinta ayaa ku soo eedeeysay inay dekadda Magaalada Muqdisho kasoo dejin jireen, maadooyin kala duwan oo laga sameeyo qaraxyada, Jaakada Qaraxyada, Computero iyo Agab Ciidan.
Maamulka G/Banaadir oo soo saaray Amar ku socda Guddoomiyeyaasha Degmooyinka
Sidoo kale Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed ku riday xukun xabsi daa’in ah, halka eedeysanayaasha kala ah Cabdisalaan Cali Faarax, Daahir Cusmaan Maxamed, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sh Cumar iyo Saciid Xuseen Maxamed lagu xukumay mid 8 sanno oo xabsi ah

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com