HomeWararka

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Saaxibada Beesha Caalam

HORDHAC SAHANKA DALJIR EE SSC-KHAATUMO
Xildhibaano nooce ah ayeey shacabka Puntland u bahanyihiin 2019 (Daawo)
Xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed oo lagu dilay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo uu horkacaayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Mashaariicda Hormarineed ee ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa ka hor kulankan waxaa uu kulan looga hadlayay doorashada Soomaaliya uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: