Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo  dil toogasho ah ku fulisay xubin ka tirsanaa Daacish

HomeWararka

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo dil toogasho ah ku fulisay xubin ka tirsanaa Daacish

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday Xubin ka tirsanaa Daa

Maxkamadda ICJ oo beri dhageysanaysa gunaanadka dacwadda baddeenna
Caawa iyo Daljir iyo Axmed Sh Maxamed Tallman (DHEGAYSO)
Waasidee xaalada deegaanka Turkaraq (Sawiro)

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday Xubin ka tirsanaa Daacish-ta Soomaaliya, kaas oo lagu eedeeyay in uu dilal ka geystay Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.

Aadan Maxamed Cali oo ah Ninka la xukumay ayaa xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxaa ay ku eedeysay in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish,isla markaana uu ka qeyb qaatay dilal loo geystay taliyihii saadka ee madaxtooyada Puntland iyo dad Shacab ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Boosaaso.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur shuute ayaa sheegay in kadib qiraalka eedeysanaha iyo cadeymo lagu helay ay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho.

Sidoo kale Maxkamada waxaa la horkeenay Cabdishakuur Xaaji Barsanji oo ku eedeysanaa in uu la Shaqeynayay Aadan Maxamed Cali,balse Maxkamadu ay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay sidaasina lagu siidaayay.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 5 years ago

    WAR SUURTO GAL MA AHA IN AYNU DHALINTA LA QALDAY KU XUKUNO DIL SIDOO KALANA KUWA XALANE FADHIYA EE MASRUUFA ALSHABABNA AYNU CISAYNO.WAA DACWAD LAGU OOGAA RAGII KA DANBEEYEY QARAXII X.G.BANAADIR EE UU KA MID YAHAY ERGI:JAMES SWAN,OK HADII KALE WAA CASDAALAD DARO INTEEDA LE’EG & IN DAWLADU LAFTEEDU TAHAY ALSHABAB DAWLADAYSAN.
    ALSHABAB+JAMES SWAN+CIA+MI6+UNSOM=ONE.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS LEADER ABUBAKR ex-Name (ELLIOTTE SHIMON)HE WAS MOSSAD AGENT,GO FUCK YOUR SELF,YOU ARE JEWISH INTERNATIONAL TERRORIST JIT.
    NOW YOU KNOWS.
    I SAID:TERRORIST IS NOT MUSLIMS & ISLAMICE.
    but,(CIA,MI6,MOSSAD are ISIS.)…

DISQUS: