Madaxweynaha Soomaaliya oo dib u celiyay Jinsiyaddii labaad iyo Baasaboorkii Mareykanka ee uu heystay.

HomeWararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib u celiyay Jinsiyaddii labaad iyo Baasaboorkii Mareykanka ee uu heystay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib u celiyay Jinsiyaddii labaad iyo Baasaboorkii Mareykanka ee uu he

Madaxweynaha Galmudug oo dhamaystiray golihisa wasiirada
Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda faderaalka oo tartan loo gelayo
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib u celiyay Jinsiyaddii labaad iyo Baasaboorkii Mareykanka ee uu heystay.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in howsha dib u celinta Jinsiyaddii labaad ee Mareykanka ay muddo soo socotay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirar dhowr ah uga baaqday Mareykanka labadii sano ee u dambeysay uu hayay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, shirarkaasoo ahaa mid muhiim ah, waxaa ka mid ahaa Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: