Waasidee xaalada deegaanka Turkaraq (Sawiro)

Waasidee xaalada deegaanka Turkaraq (Sawiro)

Ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland ayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool isku hor fadhiya ku dhawaad mudo 2 sano ah  waxaana dagan xaalada deegaanadii lagu dagaalamay .

wariyaha Daljir ee Bosaaso Xasan Heykal oo safar gaaban ku tagay deegaanka ayaa u kuurgalay xaalada deegaanadii lagu dagaalamay .

Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa ah kuwo isku muuqaada  mana jirto wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ay wadaan labada dhinac.

Tukaraq iyo Gambaro oo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ayaa waxa ay isku jiraan ilaa iyo 22kmtr .

 

Isku socodka gaadiidka dadweynaha ee gobolada Puntland iyo Soomaaliland ayaa ah mid caadi ah mana jirto wax dhibaato ah oo ay kala kulmaan dadweynaha  safarkooda Hargaisa iyo Garoowe .

 

Puntland ayaa sheegtay in gobolka Sool iyo qaybo kamid ah gobolka Sanaag ay xoog ku qabsatay Soomaaliland .

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa waxa uu wacad ku maray xiligii uu kujiray ololihiisa doorashada in gobolada Puntland ee Sool iyo Sanaag uu soo celin doono waxaan uu sheegay in goboladaasi maqan soo celintooda loo samayn doono miisaaniyad gaar ah.

Halkan ka daawo sawirada uu wariyuhu ka soo qaaday deegaanka Tukataq.

 

 

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com