Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday askari dilay haweeney Ganacsato aheyd

HomeWararka

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday askari dilay haweeney Ganacsato aheyd

Dable Xogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wal

Taliyihii ugu horeyeey Ciidamadda Daraawishta Puntland Gen Carays oo Geeriyooday
Madaxweyne Xaaf: “Mushkilad aan ka ahayn tan laga soo maleegay Villa Somalia ma hayso Galmudug” (war saxaafadeed)
Dowladda Federaalka oo dalka dibadiisa u qaadi doonta dhawacyadi Qarixi Muqdisho (dhegayso)

Dable Xogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23 May sanadkan.

Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga   ayaa  xafiiska Xeer Ilaalinta  01 August ee Sanadkan  waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha.

 

Cabdullaahi Cali  Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,  waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska  Xeer Ilaalinta oo codsaday in

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: