Maxay ku heshiyeen Wadamada Sucuudi Carabiya & Qatar?

HomeWararka

Maxay ku heshiyeen Wadamada Sucuudi Carabiya & Qatar?

Wadamada Sacudi Carabiya iyo Qadar ayaa ku heshiiyay inay dib u furaan xadka dhulka,badda iyo hawada sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibada Kuwait.

Axmed Madoobe oo la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal
HAWLGalKA ADKAYNTA IYO AMNI SOOCELINTA CAABUDWAAQ.
Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wadamada Sacudi Carabiya iyo Qadar ayaa ku heshiiyay inay dib u furaan xadka dhulka,badda iyo hawada sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibada Kuwait.

Wadamada Sacudi Carabiya, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ayaa bishii June 2017dii ku eedeeyay dowlada Qadar inay taageerto argagaxisada isla markaana ay xiriir dhow la leedahay dowlada Iran.

Afartan dal ayaa ku soo rogay xayiraad dhulka badda iyo hawada ah dalka Qadar.
Dowlada Qadar ayaa beenisay eedeymaha loo so jeediyay iyadoo tan iyo xilligaas xiriirka ay la wadaagto afartan dal uu aad u xumaa.

“Heshiis ayaa laga gaaray caawa dib u furista xadka ay wadaagaan Sacuudi Carabiya iyo Qadar ee dhulka,badda iyo hawada.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait Ahmad Nasser al-Sabah isagoo la hadlayay Kuwait TV kahor shirweynaha Madaxda Wadamada Khaliijka oo berri oo talaado ah ka furmaya Sacudi Carabiya.

Dhinaca kale wakaalada wararka ee Sacudi Carabiya SPA ayaa ka soo xigatay Amiirka Dhaxalsugaha Mohamed Bin Salman in shirka Madaxda wadamada Khaliijka ay ku midoobi doonaan dalalkaas si arrimaha ka jira Khaliijka meel qura loogaga wada jeesto.

Waxaa lagu wadaa in shirweynaha lagu saxiixo heshiis soo afjaraya khilaafka u dhexeeyay saddexdii sano ee la soo dhaafay wadamada Sacudi Carabiya,Qadar,Bahrain,Imaaraadka iyo Masar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: