DFS oo ka hadashay Heshiiska Suucudiga & Dowladda Qatar

DFS oo ka hadashay Heshiiska Suucudiga & Dowladda Qatar

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiska horudhaca ah oo khilaafkii ka dhex-jiray ay ka gaareen dowladaha Sacuudiga iyo Qatar, kaas oo muddo soo jiitamayay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay hehsiiskaas, iyada oo looga mahad celiyay dadaalka uu wado Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

Markii uu bilaawday khilaafka dowladaha Sacuudiga iyo Qatar oo dalal uu Sacuudiga kujiro ay xiriirka u jareen dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay khilaafkaas ka noqotay dhex-dhexaad, Go’aankaas oo lagu dhaliilay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com