Maxay kawadda hadleen Madaxweynaha Hiirshabeele & Sheekh shariif

Maxay kawadda hadleen Madaxweynaha Hiirshabeele & Sheekh shariif

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka iyo xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle doorkii uu ka qaatay heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka iyo kaalintii uu ku lahaa.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday kulamo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ayaa xilligan ku sugan caasimada dalka halka guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle uu dalka ka maqan yahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com