Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Somaliland & Xubno kasocda midowga yurub?

HomeWararka

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Somaliland & Xubno kasocda midowga yurub?

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u

MUQDISHO: Dhalinyaro kamid noqonaya ciidamadda xoogga oo kulan sagootin ah loo sameyeey
RW Khayre oo xalay kormeer ka sameyeey Muqdisho
Xubno ka tirsan wasaaraada Cafimaadka DFS oo maxkamadda gobalka Banaadir la soo tagay (dhegayso)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u tegay indho indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha wefdiga uga mahadnaqay imaan shiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay inay Somaliland tahay meel ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wefdiga u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii nabadgelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lex jeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii kala duwanaa ee uga soo yeerayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: