RW Khayre oo xalay kormeer ka sameyeey Muqdisho

RW Khayre oo xalay kormeer ka sameyeey Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waxaa uu kormeer ku tegay Isgoysyo badan oo ku yaalla Magalada casimadda ah ee Muqdisho,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo sugaya Amniga Caasimadda.

Isgoysyada uu Ra’iisul Wasaaraha tegay oo aad u farabadan ayaa waxaa ka mid ah,Isgoyska Sanca, Afarta Darjiino, Siinaay, Xararyaale, Bakaaraha Warshada Caanaha, Albarako Black Sea, Baar Ubax Cali Kamiin, Baar Ayaan,Hoteelka Towfiiq, Miisaanka Dhuxusha, Ifka Xalane,Shiirkole, Deeyniile, Ex-Koontorool Afgooye iyo qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xog-wareystay saraakiisha ciidamada ee ku sugan Baraha Koontorool,waxaana uu kala hadlay sida ay u socdan howlgallada iyo sida ay Ciidamada ula Dhaqmaan Bulshada ay u adeegayaan.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Saraakiisha laamaha Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir,isaga oo kala hadlayay xaalada Ami ee Magalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com