Maxay kawada hadleen James Swan & Madaxweynaha Hiirshabeele?

HomeWararka

Maxay kawada hadleen James Swan & Madaxweynaha Hiirshabeele?

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulamo gaar gaar ah waxaa uu dhanka qadka Zoom-ka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Guda

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Dowladda oo ka hadashay Dagaalkii Balcad
Taliyaha CID-da Gobolka Mudug ee Puntland oo isku day dil ka badbaaday

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulamo gaar gaar ah waxaa uu dhanka qadka Zoom-ka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wada hadaladan ayaa looga hadlay arrimaha deegaanada Hirshabelle, gaar ahaan dib u heshiisiinta.

James Swan ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada uu leeyahay wada hadal dhammaan daneeyayaasha si loo helo dib u heshiisiin Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dhowaan daah furay shir dib u heshiisiin oo loo qabtay labo beelood oo walaalo ah, kaasoo ka socda magaalada Jowhar.

Balan-qaadyadii uu sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe markii la doortay ayaa waxaa ka mid ahaa inuu diiradda saari doono dib u heshiisiinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: