Maxay kawada hadleen Guddoomiyaha gobalka Banaadir & Safiir ku xigeenka Sweden ee Soomaaliya?

HomeWararka

Maxay kawada hadleen Guddoomiyaha gobalka Banaadir & Safiir ku xigeenka Sweden ee Soomaaliya?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiir kuxigeenka Swedan ee

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (daawo)
Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Boosaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiir kuxigeenka Swedan ee Soomaaliya Petra Smitmanis Dry.

Labada masuul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta dowladda Sweden ay ku lee dahay dib u soo kabashada Dalka taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa horumarada dalka gaar ahaan Gobolka Banaadir.

Guddomiyaha Gobalka ayaa uga mahadceliayay Safiir kuxigeenka Sweden tababarada ay siiyaan shaqaalaha Dowladda Hoose iyo sidii loo dardar galin lahaa mataaneenta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.

Safiir kuxigeenka Safaarada Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir howlaha uu u hayo Bulshada caasimadd.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday isfahan iyadoo la isla gartay dhammaan qodobadii ay kawada hadleen labada dhinac.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: