Maraykanka oo duqeyn ka fuliyeey gobalka Bakool

HomeWararka

Maraykanka oo duqeyn ka fuliyeey gobalka Bakool

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay diyaarado dagaal inay duqeyn ka fuliyeen degmada Tiyeegloo

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed oo gaaray Baraawe
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed Maxamed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Guddoomiyaha Degmadda Burtinle oo ka hadlay Colaad kusoo la laabatay gobalka Nugaal (dhegayso)

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay diyaarado dagaal inay duqeyn ka fuliyeen degmada Tiyeegloow oo ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Ilo dadka degaanka oo diiday in Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa jug culus balse aysan ogeyn halka ay ku dhaceen iyo qasaaraha ka dhashay.

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa Warsaxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay ku burburiyeen Xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab, balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad rayid ah.

Gobolka Bakool ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ay awooda xoogan ku leeyihiin Al-Shabaab, waxana u go’doonsan degmooyinka Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde.

Duqeyn taan ka dhacday degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay degmada Xudur, isla markaana uu Amar ku bixiyay in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: