Maxay ka wada hadleen Kheyre iyo Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud? (Akhriso)

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Kheyre iyo Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud? (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Magaalada Dhuusameeb waxa uu kula kulmay Hogga

Muqdisho & Diyaar garowga Ciida (daawo)
BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA LAYAABKA DUNIDA | Xuseen Cabdi (Madar) & Nimco Maxamed
Hub sharci darro ah oo lagu qabtay Addis Ababa (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Magaalada Dhuusameeb waxa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Kulanka u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo qorshihiisu dowldda ku howlan tahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hoggaanka Ahlusunna kala hadlay tabashooyinka ay qabaan iyo sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskii horey u dhexmaray dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljameeca.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shalay kulan la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, iyadoona xal laga gaaray shaqaaqo haween kahor ka dhacday Dhuusamareeb.

Dhinaca kale dib u dhac ayaa ku yimid soo xulista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana arrintaas ku howlan sidii xal looga gaari lahaa Xasan Cali Kheyre.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0