Hub sharci darro ah oo lagu qabtay Addis Ababa (Sawiro)

HomeWararka

Hub sharci darro ah oo lagu qabtay Addis Ababa (Sawiro)

Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo

Socdaalka Gudoomiye Jawaari iyo Dhibka Lagu Hayo Soomaalida Koonfur Africa (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Ciida u diray Shacabka Somaliyeed
Madaxwayne Deni “Dilka Paul waa mid lagu suncad dilayo horumarka reer Puntland” (daawo)

Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban.

Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro.

Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato.

Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250.

Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin.

“Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin” ayuu yiri Komishinka Booliska Addis Ababa.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: