Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Guddiga Xaduudaha?

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Guddiga Xaduudaha?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madax-banaan

Dhagaysiga 4-aad ee kiiska Cabadalla Muumin oo cabsi Amni loo baajiyey
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis ku dhexmaray Riyaad
Shacabka Reer Baran oo ka qaybqaadanaya dhismaha wadada Ceeldaahir-Cerigaabo (dhegayso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Guddigan oo ka mid ah guddiyo dhowr ah oo sharci ahaanshahooda uu weli muran ka taagan yahay maadama aan weli golaha Aqalka sare la horgeeynin, waxayna codsadeen in loo fududeeyo howlaha shaqo ee baarlamaanka kaga xiran.

Kulanka inta uu socday ayaa guddiga waxay guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku aaddan shaqa maalmeed kooda ayagoo Gudoomiyaha golaha Shacabka ka codsadey inuu gacan ka siiyo dhameystirka wixii shuruuc ah oo ay baarlamaanka uga baahanyihiin.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadey islamarkaana u ballan qaadey inuu ka ganan sii doono sidii ay u heli lahaayeen wax yaabaha dhanka sharciyadda kaga dhiman, Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku dhiira geliyay guddiga xuduudaha shaqada adag oo ay Qaranka u hayaan wixii dedaal dheeraad ahna lagu bixin doono.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: