Maxaa Horyaala Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Benaadir

HomeWararka

Maxaa Horyaala Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Benaadir

Siyaasi Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Yariisoow ma aha nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxana uu muddo la soo shaqaynaye

Dowladda Puntland Maxay u qorshaysay Saraakishii ka goostay Somaliland? (Daawo)
Taliyaha howlgalka Africom iyo madaxweyne Deni oo Boosaaso kulan ku yeeshay
Kooxo ku hubeysan ayaa dilay Masuul Ka Tirsan Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed

Siyaasi Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Yariisoow ma aha
nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxana uu muddo la soo
shaqaynayey dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Soomaaliya isagoo soo
qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kuwo wasiirnimo oo dhawr ah.
Sidoo kale, Mudane Yariisoow waxa uu muddo ka soo shaqaynayey arrimaha
bulshada isagoo kaalin firfircoon oo hogaamineed ku lahaa
dhaqdhaqaaqyadaasi oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu soo noqday Wasiirka lacagta, Wasiirka Warfaafinta,
Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xukuumadda, Agaasimaha Madaxtooyada, La-
taliye Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, isagoo sidoo kale 10 sano ka
shaqaynayey Dawladda Hoose ee magaalada London ee dalka UK. Marka la
eego khibraddiisa shaqo waxaa kuu soo baxaysa inuu yahay qof ku habboon
xilka loo magcaabay, gaar ahaan khibraddiisa dhinaca Dawladaha Hoose.
Sidoo kale, waa nin aqoon durugsan u leh maaraynta iyo maamulka, waxana
uu culuum kala duwan ka bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo
dhawr Jaamacadood oo Ingiriiska ku yaalla.

Siyaasi Qaan-gaar ah

Marka laga tago aqoonta Jaamacadeed iyo shaqo ee uu leeyahay Mudane
Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxaa u dheer inuu yahay siyaasi gaamuray
oo si wanaagsan u garanaya waaqica dalku marayo iyo duruufaha caasimadda
iyo dalka guud ahaan ku geedaaman. Waa siyaasi qunyar-socod ah oo waxa uu
doonaya dood iyo is-qancin ku dhamaysta, mana aha qof khilaaf badan abuura
oo dadkana ay iska hor yimaadaan, waana sababta aan is leeyahay waa
qodobka ugu muhiimsan ee lagu dooran karo marka laga tagon aqoontiisa iyo
xirfadihiisa tirade badan.

Runtii, dhammaan xilalka uu soo qabtay waa nin lagu soo ammaanay oo aysan
eed iyo xurguf ka iman, waxana sidoo kale xusid mudan in lagu tilmaamo qof
ceeb ka saliim ah dhinaca musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha.
Mudanaha waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa qof saaxiibbo badan oo Soomaali
iyo caalami ah leh, waxana uu ku kasbaday shaqada iyo dabcan

shakhsiyaddiisa qof ahaaneed ee ku dhisan mutawaadicnimo ama isla-weyni
la’aan, ixtiraam, daacadnimo, xanaf la’aan, deganaan iyo bisayl, aragti dheeri
iyo fahmidda bii’adda iyo cidda uu ku shaqaynayo.

Marka la eego siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxa inta badan iska horkeena
damac iyo danaha gaarka ah ee loo baratamo ama la kala badsanayo, laakiin
waxa lagu bartay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan waa in uu mar
walba hor mariyo danta guud, waxana laga dheehan karaa qaab nololeedkiisa
oo aysan wax weyn iska beddelin isagoo xilal kala duwan soo qabtay. Waxaa
muuqata in aan la filayn inay iska hor yimaadaan madaxda sare ee dalka iyo
qaybaha kale ee wax kala dhexeeyaan.

Maxaa laga fili karaa?

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxa uu ku soo
beegmay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya marayso meel is-bedel ah.
Marxaladdan waxaa la jaanqaadi kara qof garashadeeda leh oo xaaladaha iyo
duruufaha taagan si waaqici ah u darsi kara, una samaysan sidii uu ula falgeli
lahaa caqabadaha tirada badan ee soo foodsaara.
Caasimadda Muqdisho waxay xarun u tahay hay’adaha dawladda dhexe,
waxana ay leedahay xaaladaheeda iyo caqabadaheeda u gaarka, waana
meesha ay ku nool yihiin muwaadiniinta ugu badan ee dalka oo u baahan inay
adeeg dawladeed helaan.
Guddoomiye Yariisoow caqabadaha jira ee la doonayo inuu wax ka qabto
waxaa ka mid ah:

1. Ammaanka

Magaalada Muqdisho waxay soo martay marxalado kala duwan oo
dhinaca ammaanka ah, waxana hadda jira rajo iyo ifafaalo weyn oo laga
qabo in ammaanka caasimaddu soo hagaago. Guddoomiye Yariisoow
waxaa laga rajaynayaa in uu la yimaado qaab iyo qorshe lagu xasilin
karo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.
2. Horumarinta iyo Bilicda Caasimadda

Guddoomiye Yariisoow oo aqoon durugsan u leh dhinaca maamulka iyo
horumarinta Dawladaha hoose, waxaa dad badan oo caasimadda ku
nool ay ka filayaan inuu wax ka qabto dhinaca horumarinta
kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda iyo soo celinta bilicda
magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun
kaba. Sidoo kale, waxaa laga rajaynayaa bixinta adeegyada bulshada,
maaraynta dhaqaalaha iyo canshuuraha la qaado.

3. Xal Siyaasadeed

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo siyaasadda muddo ku
soo jiray waxaa looga fadhiyaa sida uu u waajaho arrinta ku saabsan xal-
u-helidda meeqaamka caasimadda iyo sida ay matalaad u heli lahaayeen
dadka ku nool caasimadda. Arrintan oo ah mid dastuuri ah oo
caqabadeeda leh, kuna xiran dastuurka qabyada ah iyo shaqada
baarlamanka, haddana, waxaa loo baahan yahay in loo helo caqli iyo xal
maangal ah oo aarintan laga gaaro.

Gunaanad
Marka la eego xilliga uu ku soo aaday Guddoomiyaha cusub Cabdiraxmaan
Cumar Cismaan (Yariisoow) waxa weeye mid muhiim ah oo la oran karo
waxaa la fili karaa is-bedel sal ballaaran oo la taaban karo. Sidoo kale, marka
la eego aqoonta iyo khibradda uu leeyahay Guddoomiyuhu waxaa rajo laga
qabaa in uu si wanaagsan ula tacaalo caqabadaha jira ee soo faadsaari doono,
isla markaana uu waajibaadka loo igmaday u guto.

Waxaa xusid mudan, in guddoomiye Yariisoow uu u baahan yahay taageero
iyo inay gacansiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda ku dhaqan iyo
weliba dawladda dhexe. Waxaa kale oo loo baahan yahay in mudanuhu xusho
dad karti iyo aqoon leh oo kala shaqeeya arrimaha faraha badan ee culus oo
hor yaalla.

Waxaan u rajaynayaa Guul iyo Waxqabad Waara
W/Q Ahmed-nur Mohamed
e-mail [email protected]

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: