Kooxo ku hubeysan ayaa dilay Masuul Ka Tirsan Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed

HomeWararka

Kooxo ku hubeysan ayaa dilay Masuul Ka Tirsan Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Kormeerihii guud ee Wasaaradda Waxbara

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)
Golaha Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho
Xasan Sheekh oo ka digay faragelin lagu duminayo Aqalka Sare iyo in la iska horkeeno

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Kormeerihii guud ee Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dad la hadlay Shabakadda Dayniiile ayaa u sheegay in rag dhallinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Cali Shanlow Cali oo ahaa Kormeerihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, xili uu marayay xaafadda Xaawo-taako ee Afgooye, isagoona u dhintay rasaas lagu dhuftay.

Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Marxuum Cali Shanlow Cali oo saaka la dilay, waxaana la sheegay inuu isku diyaarinayay kormeer uu ku sameeyo Imtixaanka shahaadiga Dugsiga Sare oo Maanta ka bilowday dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: