35,000 oo arday ayaa u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee  dugsiga Sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay  gobolada koonfureed ee dalka

HomeWararka

35,000 oo arday ayaa u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobolada koonfureed ee dalka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay (Sawiro)
Rooble oo xaliyeey tabashadii uu qabay Madaxweynaha Hiirshabeele
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Puntland oo ka haddlay Shirweynaha Beelaha Bihni Cali ee Cumar Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: