Rooble oo xaliyeey tabashadii uu qabay Madaxweynaha Hiirshabeele

Rooble oo xaliyeey tabashadii uu qabay Madaxweynaha Hiirshabeele

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay kulan khadka taleefoonka ah oo ay la yeeeheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ahaa mid la doonayay in lagu qanciyo Madaxweynaha Hir-Sbabeelle oo diidanaa ka qeyb galka Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa wararka soo baxay ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana uu qanciyay.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku maqan dalka Turkiga uu shirka maanta furmaya uga qeyb galayo aaladda fogaan aragga ee ZOOMKA.

Qoraal kasoo baxay habeen ka hor Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe ka qeyb galeyn Shirka, isla markaana wixii kasoo baxa aysan aqbaleyn Hir-Shabeelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com