HomeUncategorized

Masuuliyiin katirsan jaamacadda Al-Miftaax ee Suudaan oo booqday Bosaso(Sawiro)

Bosaso, Dec 30 - Waxaa ka dhacay Hall ka way nee Jaamacada Bosaso xaflad weyn, taasoo si fiican loo soo agaasimay waxaana lagu soo dhoweynaayey wafdi ka socday Jaamacadda Suudaan Al Maftuuxa ee Dalka Suudaan oo ay jaamacadda Bosaso wakiil uga noqotay Dalka Soomaaliya, waxayna bixinaysaa Jaamacadda Suudan almaftuuxa waxbarashada Heerarkeeda kaladuwan, sida: Bachelor DEGREE, DIPLOMA SARE, MASTER DEGREE, IYO PHD.

Maraykanka oo Duqayn ku Dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Axad_11
Isimada gobolka shabeelaha hoose oo dowladda ku eedeyey inay hurinayso dagaalka (Dhegeyso)

Bosaso, Dec 30 – Waxaa ka dhacay Hall ka way nee Jaamacada Bosaso xaflad weyn, taasoo si fiican loo soo agaasimay waxaana lagu soo dhoweynaayey wafdi ka socday Jaamacadda Suudaan Al Maftuuxa ee Dalka Suudaan oo ay jaamacadda Bosaso wakiil uga noqotay Dalka Soomaaliya, waxayna bixinaysaa Jaamacadda Suudan almaftuuxa waxbarashada Heerarkeeda kaladuwan, sida: Bachelor DEGREE, DIPLOMA SARE, MASTER DEGREE, IYO? PHD.

Xafladaan oo ay kasoo qeyb galeen marti sharaf kala duwan sida, Ganacsato, culamaa?udiin, arday iyo waliba Masuuliyiin ka socotay Dowladda Puntland oo uu hogaaminaayey Wasiirka ku xigeenka Waxbarashada Mudane Jama Yasin iyo waliba madaxa tacliinta sare ee Mr. Abdullahi Jaamac Dhubad.

Ugu horeeyntii waxaa ka furay xaflada Mr. Mohamed Mahad Isse oo ka hadlay ueedada xaflada kuna soo dhowey yey gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso, Dr. Mohamed Ali Farah isaga uu ku nuuxuuxsaday faa iidada uu barnaamij kaani uleeyahay umadda soomaaliyeed guud ahaan iyo waliba in Jaamacadda Bosaso ay ka go? an tahay hirgalinta Barnaamujkaan, barnaamijkaan oo fursad u ah bulshada aan waqtiga u heli Karin inay Jaamacad si joogta ah u dhigtaan ama jooga meel ka fog goobaha Jaamacadaha laga helo.

Sidoo kale musuulka Jaamacadda Suudan Almaftuuxa Dr. Muusa Cali Fadlalah ayaa ka hadlay soona bandhigay kuliyaddaha kala duwan ee ay Jaamacaddu bixinayso iyo waliba warbixin dhamaystiran oo ku saabsan waxqabadka Jaamacadda Suudaan Al maftuuxa, wuxuuna goobta ka caddeeyey furitaanka Xarunta cusub ee Jaamacaddoodu ka furatay magaalada Bosaso.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xaflada Abdirahman Abdirisak oo ah Masuulka Haayadda Tadaamun oo kamid ahaa marti sharaf tii ka soo qeyb gashay Xafladda.

Gaba-gabadii xafladda ayaa waxaa soo xiray wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mr. Jaama Yasin isagoo aad usoo dhoweeyey horumarka ay ku talaabsatay Jaamacadda Bosaso uguna baaqay masuuliyiinta jaamacaddaha kale iney ku daydaan waxqabadka Jaamacadda Bosaso,

Si kastab ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey ee jaamacadda Bosaso wafdi noocaana oo kale ay marti galiso.? Gaba-gabadii xafladaan ayaa ku dhamaatay jawi aad? udegan iyo soo dhoweyn wanaagsan.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaso.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: