Bosaso: Maxkamadda oo dil toogasho iyo xabsi kuriday rag loo soo qabtay burcadbadeednimo (Dhagayso)

Bosaso, Dec 30 – Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Bari faraceeda magaalada Bosaso ayaa maanta xukun isugu jira dil toogasho iyo xabsi waxaa ay ku riday kooxo burcadbadeed Soomaaliyeed kuwaasi oo afduub u haystay markabka ay ciidamada badda Puntland dhawaan? soo badbaadiyeen.

Dadka la xukumay ayaa isugu jiray kuwa ciidamada badda Puntland soo qabteen iyo kuwo maqan balse lagu raadjoogo, isalamar ahaantaana? xabsiga loo dhaadhicin doono marka lasoo qabto.

Gudoomiyaha maxkamadda Gobolka Bari Sheekh Aadan Aw-Cabdi oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay labaatan burcadbadeed ah inay ciidamada badda Puntland dagaal kala horyimaadeen xilli ay ku mashquulsanaayeen soo furashada markab ay burcadbadeedu haysteen.

Waxaa uu sheegay sadex ka mid ah eedaysaneyaasha lasoo qabtay in midkiiba lagu xukumay 10-sano oo xarig ah iyo ganaax dhan konton milyan oo Sh,So , 12-eedaysane oo maqan ayaa? lagu riday xukuno isugu jira dil toogasho iyo xabsi kuwaasi oo wali ciidamada badda Puntland ku raadjoogaan soo qabashadooda.

Lix ka mid ah hubkii ay burcadbadeedu ku dagaalamayeen oo isugu jira Ak-47 iyo PKM ayaa maxakamada? xukuntay inay dowladdu la wareegto.


Ciidamada badda ayaa howlgalka ku dilay sadex ka mid ahayd burcadbadeeda, iyadoona kuwa kale ay baxsadeen.

Markabka burcadbadeeda laga soo furtay Iceberg-1 ayaa waxaa la socday 22- shaqaale oo ukala dhashay dalalka Ghana, Yemen India iyo Filibiin , kuwaasi oo kadib markii xoriyadooda ay heleen? loo duuliyay dalalkii ay u dhasheen.
?

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com