Mareykanka oo Fiisaha dalkugalka u diiday Wasiirka Arrimadda Dibadda Iran

Mareykanka oo Fiisaha dalkugalka u diiday Wasiirka Arrimadda Dibadda Iran

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Mareykanka uu u diiday fiisaha dalkugalka.

Mohammad Javad Zarif ayaa magaalada New York kaga qaybgeli lahaa shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo furmi lahaa todobaadkan gudahiisa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaga hadli lahaa dilkii Mareykanka uu u geystay Janeraal Qassem Soleimani.

Mareykanka ayaa jabiyey heshiis QM oo dhigaya in siyaasiyiinta iyo safiirada waddamada is haya aan loo diidi karin fiisaha dalkugalka, heshiiskaasi oo la gaaray sanadkii 1947.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in sababta ay u diiday fiisaha ay tahay xaalad amni.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com